Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradaha Milatariga Qatar ayaa maanta magaalada Muqdisho keenay qalab difaac oo casri ah, kaasi oo laga keenay dalka Turkiga.
Qalabkan difaac ayaa waxaa dowladda Soomaaliya usoo diray dowladda Turkiga oo iskaashi milatari uu kala dhaxeeyo, isla markaan maalmihii dambe dalka keenaysay saanad milatari oo xooggan.
Diyaarad xamuul ah oo nooca Boeing C-17 Globemaster III oo leeyihiin Ciidanka Cirka ee Qatar ayaa maanta garoonka Aadan Cadde keentay qalabka difaaca hawada ee ASELSAN ALP-100G AESA Alçak İrtifa Radar.
Raadarkan oo leh awood gaareysa 185+ km, ayaa ah nooc 3D ah oo loogu tala-galay ogaanshaha bartilmaameedyada ku duulaya joog hoose sida; diyaaradaha, drones-ka iyo gantaallada.
ALP-100G wuxuu ka mid yahay nidaamyada difaaca hawada ee casriga ah, isagoo adeegsanaya tiknoolajiyada AESA (Active Electronically Scanned Array).
Warbixinno la helayo ayaa tilmaamaya in qalabkan loo qorsheeyay goobta laga hirgelinayo xarunta dayax-gacmeedka iyo goobta laga tuuro gantaallada ee Turkigu ka dhisayo duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Tallaabadan ayaa muujinaysa sii xoojinta iskaashiga milatari iyo kan amni ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo ilaalinta hawada iyo horumarinta awoodda farsamo ee labada dal
Si kastaba, dowlad Turkiga ayaa maalmihii dambe dalka keenaysay saanad milatari, iyadoo maantana ay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ay dhowr mar kasoo degtay diyaarad xamuul millatari oo ah nooca Airbus A400M Atlas ah.
Iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay dhawaan Soomaaliya keentay diyaaradaha casriga ah ee dagaalka F-16.
Sidoo kale, Turkiga ayaa Soomaaliya u soo diray saraakiil ka kala socda ciidamada Cirka, Badda iyo Lugta, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dhinac.
Ankara ayaa sidoo kale xoojisay joogitaankiisa milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka. Maraakiibtaasi ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, xeryaha la dhisayo iyo xarunta dayax-gacmeedka ee haatan lagu howlan yahay.

