Xog cusub oo ku saabsan mooshinka Xasan + C/Weli oo tuhun uu soo galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa xalay kullan gaar ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, xilli ay xiisad siyaasadeed weli ka dhex jirto dowladda Soomaaliya.

Kullanka Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli, ayaa lagu sheegay mid wada tashi ah, oo ku saabsanaa is-casilaadda xubno ka mid ah baarlamanka Soomaaliya ay ka dalbadeen madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa jira warar sheegaya in ra’iisul wasaaraha uu xiriir dhow la le yahay qaar ka mid ah xildhibaanada wada mooshinka sida Xiddig iyo Xasan Abshir Faarax, taasna ay tahay sababta uu madaxweynaha ugu yeeray.

Si kastaba ra’iisul wasaaraha waxa uu madaxweynaha u xaqiijiyey inuu dhinaciisa ka galayo dagaalka siyaasadeed ee dowladda kaga imanaya xildhibaanada.

Inkasta oo maalmihii dhowaa uu ra’iisul wasaaraha xulufo la ahaa Jubba iyo Puntland, haddana waxaa xaqiiq ah in haddii madaxweyne Xasan Sheekh xilka ka dego, ay taas la macno tahay in isagana uu ka degayo, taasi oo qasab ka dhigeysaa inuu dagaalka dhinaciisa kagalo.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale la sheegay inuu xidlhibaanno dhowr ah oo kuwii mucaaradka ka mid ah ka dhaadhiciyey inay fikirkooda beddelaan, taasi oo dhabar jab weyn ku ah xulufada Xiddig, Xasan Abshir iyo Shariif Xasan..

Dhinaca kale, sida ku cad qodobka 92-aad ee dastuurka Somalia, madaxweynaha waxaa xil looga qaadi karaa kaliyaa in maxkmadda sare ee dalka dacwad laga geeyo, sidaa darteedna waxaa is-weydiin mudan sida xulufada qas-wadayaasha ay mooshin u geyn karaan baarlamanka Somalia

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com