BFS oo maanta qaadaya tallaabo lagu curyaaminayo horumarka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta laga yaabaa in meesha ka saaraan shirkadda Favori ee laga lee yahay dalka Turkiga, taasoo dhismo iyo dib u casriyeen ka wada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Isaaq Fannax, oo ka mid ah xildhibannada doonaya in meesha laga saaro Vavori ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay saakay in 98% xildhibaannada aaney u codeyn doonin shirkadan in ay dalka ka sii shaqeyo, wuxuu sabab uga dhigay in shirkaddan howlaha ay wadato uu ka weyn yahay mashruuca garoonka ay ku dhiseeso sidda uu yiri.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shaley sheegay in maanta oo Axad ah xildhibaannada baarlamaanka ay cod u qaadi doonin shirkadda Vavori in ay dalka ka shaqeyso iyo in kale.

Doodda ku saabsan shirkadda Turkiga ee Favori oo ay heshiis la gashay xukuumadii horre ee Saacid ayaa sotay muddo toddobo bil, taasoo maalin meel soo gaartay laakin shaley ayaa la soo gabagabeeyay.

Shirkaddan wax badan ayay u qabatay Muqdisho, gaar ahaa garoonka diyaaradaha oo ay dib u casriyeyn ka waddo, hase yeeshee waxaa mooshin ka keenay xildhibaanno horumarka Muqdisho dhib u arka.

Faah-faahinta warkan sidda ay u dhacdo codbixinta loo qaadayo shirkadda Vavori kala soco wararkeena dambe in shaa allah