Video: Cali Khalif oo taageeray olalaha ay ina-reerihiisa ka wadaan Muqdisho

Buuhoodle (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Khaliif Galayr ayaa taageeray baaqa ka yimid xildhibaanno ku baaqay in Madaxwaynaha dawladda Soomaliya Mudane Xasan Sheekh maxamuud uu is-casilo.

Caasimada Online horey ayay u sheegtay in Galayr iyo koox qaswadayaal ah oo u badan hal reer, kuna adeeganaya kuwa kale oo aan maskaxdooda saliim ahayn ay isku dayayaan inay ridaan madaxweynaha, sababo qabyaaladeed dartood.

Cali Khaliif Galayr waxa uu sheegay inuu taageersanyahay mooshinka laga keenayo Xasan Sheekh Maxamuud isagoona xusay dhammaan qodobada lagu soo eedeeyay Dawladda uu Hoggaamiyo inay yihiin ku rasmi ah.

Wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ay xaq u leeyihiin inay mooshin ka keenaan madaxweynaha haddii uu gudan waayo waajibaadkii markii hore loo igmaday, isagoona xusay in hadduu madaxweynaha si dhab ah howshiisa u wadanayo ay tahay mid qalad ah in laga hor yimaado.

Halkan ka dhageyso Cali Khaliid Galeyr.