Video: Odayaasha beelaha Hawiye iyo wixii Hargeysa kala kulmeen (Daawo)

Waxaa maalmahan ku sugan magaalada Hargeysa Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, kuwaasi oo bilaa casuumaad u tegay Hargeysa, hase ahaatee si diiran loogu soo dhoweeyay.

Maxamed Xasan Xaad oo hoggaaminaya waxgaradkan ayaa meesha ka saaray warar sheegayay in Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud uu soo diray, balse wuxuu qiray in iskood isu soo xil qaameen si ay u indha indheeyaan nabadgelyada iyo xaalada Somaliland.

Wafdigan ka socda Muqdisho ayaa waxay la kulmeen 48 oo ka kooban Isimada, Garaadada, Suldaano iyo waxgaradka Somalilandm, waxayna labada dhinac isdhaafsadeen ra’yi ku aadan labada shacab iyo sida la isugu soo dhowaan karo.

Suldaan Yuuusuf Muxumad Xiiray oo ah afhayeenka guud ee Salaadiinta Somaliland ayaa sheegay in si sharaf leh ay ula kulmeen waxgaradkan ka yimid Muqdisho, isagoo sheegay in waxyaabihii ay ka wada hadleen ay kow ka tahay in biyo kama dhibcaan tahay midnimada Somaliland, balse wixii kale ee walaalnimo ah laga hadli karo.

Suldaan Yuusuf Xiireey ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada, xisbiyada siyaasadda iyo baarlamaanka.