LACAG ka timid 2 dhinac oo la farqayo iyo xildhibaaano lasoo jebiyey (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda shirar iska soo horjeedo oo looga hadlaayo baaqa loo soo jeediyay madaxweynaha ee ah in uu casilo, xilli lagu dagaalamayo xildhibaannada lacag qaatayaasha ah.

Shirarkan waxaa gar wadeen ka ah xildhibaanno taageersan madaxweynaha iyo kuwa ka soo horjeeda, si xiisad siyaasadeedka cusub ay dhinaca ugu dhacdo.

Qaar ka mid ah xildhibaannadii soo jeediyey in madaxeynaha is-casilo, ayaa iminka diyaarinaya mooshin ay si rasmi ah u geeyeen baarlamanka Somalia, inkasta oo taasi aysan sharci ahayn.

Hase yeeshee xildhibaanada taageersan madaxweynaha, ayaa isku dayaya inay soo jebiyaan kuwaas, waxaana la sheegay in xildhibaanno dhowr ah ay kusoo biireen dhinaca madaxweynaha.

Xildhibaanada mooshinka wada, ayaa la sheegay inay lacag ku farqayaan hoteelada, ayada oo malaayiin dollar la sheegay inay ka timid Puntland iyo dowladda Kenya, oo arrintan qeyb ka ah, si qorshaheeda Kismaayo usii socdo.

Dad badan oo gorfooye siyaasadda Soomaaliya, ayaa aaminsan in arrintan cusub ee ka dhex tafatay madaxweynaha iyo xildhibaannada ay dib u dhac ku keeni karto hiigsiga 2016-ka ee la rabo in dalka oo dhan ay ka dhacdo doorasho ay dadka soo doortaan cidda ay rabaan.

Dhinaca kale, sida ku cad qodobka 92-aad ee dastuurka Somalia, madaxweynaha waxaa xil looga qaadi karaa kaliyaa in maxkmadda sare ee dalka dacwad laga geeyo, sidaa darteedna waxaa is-weydiin mudan sida xulufada qas-wadayaasha ay mooshin u geyn karaan baarlamanka Somalia

Dhibaatada cusub oo ay wadaan xildhibaanada ka yimid Puntland iyo kuwa taageersan Axmed Madoobe, oo ay ka mid yihiin Xiddig, Xasan Abshir iyo Maxamed Cabdi Yuusf ,  ayaa lagu macneeyey in lagu carqaladeynayo horumarka iyo nabadda Muqdisho ay ku tallaabsatay, oo ay aad u dhibsadeen iyo in nin ayaga ku reer ah xilka madaxweyne loo dhiibo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com