Xog cusub oo ku saabsan weerarkii Toronto ee lagu qaaday qabuuro ay dad Soomaali ah ku sugnaayeen

Toronto (Caasimada Online) – Booliska magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa shaaca ka qaaday in qofka Soomaaliga ah ee lagu dilay weerar lagu qaaday qabuuro lagu aasayey Soomaali kale, uu yahay Ayuub Xirsi Cali oo deganaa magaalada Barnie ee gobolka Ontario. 

Booliska ayaa sheegay in toogashada ay ka dhacday qabuuraha Richmond Hill, abaare 3:15pm ee Khamiistii kadib markii aaska qof Soomaali ah halkaas lagu soo geba-gebeeyey.

Ayuub ayaa ka qeyb galayey aaska Gidid Mohamed oo lagu toogtay laguna dilay banaanka goob lagu caweeyo Talaadadii, sida ay xaqiijiyeen booliska CBC Toronto. Booliska ayaa raadinaya saddex qof oo lagu tuhmayo dilka Gidid.

Dhinaca kale, dambi baarayaasha ayaa rumeysan in weerarka lagu qaaday Soomaalidii ku sugneyd qabuuraha uu ahaa mid si gaar ah loogu beegsanayey Ayuub. 

Ayuub ayaa isbitaalka loo qaaday isaga oo xaaladdiisa ay aad u liidato, wuxuuna geeriyodoay waxyar kadib markii la geeyey. Nin kale oo ah Soomaali 27 jir ah ayaa isna isbitalka weli ku jira isaga oo qaba dhaawacyo halis ah.

Booliska ayaa sheegay in dambi baarayaasha ay ogaadeen in saddex tuhunsane oo dhammaantood rag ah ay ku carareen baabuur SUV ah, ayaga oo ku safray dhanka waddada Leslie Street. colombia.co Waxay xirnaayeen funaanada madax koofi ku leg iyo maaskaro. 

Waxaa jirta suurta-galnimo ah inay xiriiraan labada di lee Gidid Mohamed iyo Ayuub Xirsi Cali, islamarkaana kooxda beegsatay ay isku mid yihiin. Balse weli booliska ma gaarin go’aankaas. 

Waxaa jira dad badan oo ku sugnaa qubuuraha oo arkay kuwa la tuhunsan yahay ee fuliyey toogashada Ayuub, waxayna booliska codsadeen inay lasoo hadlaan.

Booliska Toronto ayaa sheegay in Ayuub mar loo jaray waaran lagu soo xirayo ayada oo lala xiriirinayo dil 2015 ka dhacay bannaanka hotel ku yaalla duleedka magaalada Toronto.

Ayuub ayaa lagu soo oogay dacwad ah dil darajada heerka koowaad ah, ayada oo loo haysto dilka 27 jir lagu toogtay banaanka hotelka Marriott Hotel ee u dhow Eaton Centre.

Agaasimaha qabuuraha Sabi Ahsan ayaa booliska u sheegay in tacsida lasoo weeraray ee aaska Gidid Mohamed ay joogeen qiyaastiii 60 qof