Xog cusub: Shariif Xasan oo gooni u goosad ka noqday Xasan Sheikh iyo Guuleed kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Shariif Xassan Sheekh Aadan oo qeyb ka ah Shirka ka socda magaalada Kismaayo ee looga doodaayo nooca doorasho ee Somalia ayaa lasoo warinayaa inuu ka biyo diiday in shirka uu noqdo mid lagu raali galinaayo Beesha Daarood.

Shariif Xassan waxa uu sheegay in Ujeedka imaanshiyahiisa Kismaayo uusan aheyn in la raali galiyo beel gaar ah, balse uu doonaayo in shirka lagu saleeyo baahiyaha Umadda Soomaaliyeed.

Shariif waxa uu tilmaamay in Madaxweyne Xassan iyo C/kariin Gulleed ay u dabceen dhanka maamulada Jubbaland iyo Puntland, hayeeshee uu yahay mid aan ku qanacsaneyn go’aanada laga fili karo shirka.

Shariif Xassan waxa uu sidoo kale cod dheer ku sheegay inaysan suuragal aheyn in wakhtigaani ay maamulada soo xulaan Xildhibaanada bedeli doona kuwada hadda shaqeeya, isaga oo sabab uga dhigay in Soomaalidu aysan ku heshiin karin Siyaasada sidaa awgeedna ay arrintaasi sii kala fogeyneyso maamulada iyo Beelaha ku hoosnool.

Waxa uu madaxweyne Xassan iyo C/kariin Gulleed uga digay in masiirka Umadda Soomaaliyeed ku raali galiyaan shaqsiyaad gaar ah, waxa uuna carabka ku dhuftay in xiligaani uusan jirin maamul si buuxa u matali kara shacabka ku hoos nool sababo la xiriira Siyaasada.

Dhanka kale, Madaxweynayaasha Jubba iyo Puntland ayuu ugu baaqay inay muujiyaan dabac Siyaasadeed islamarkaana ay ku dhiiradaan tanaasul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com