Xasan Sheekh oo isku dhiibaya beesha Daarood

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu qarka u saaran yahay inuu qaato mid kamid ah qodobadii ay soo jeediyeen qaar kamid ah maamulada dalka.

Madaxweyne Xassan oo ay ku badaneyso cadaadiska ayaa waxa uu iminka wadaa qorsho uu ku ogolaanaayo in Xildhibaanada BFS ee badeli doono kuwa hadda haya booska lagu soo xulo qaab deegaan.

Madaxweyne Xassan oo la tashiyo kala duwan la sameynaaya xubnaha ku dhow dhow ee ku wehlinaaya socdaalkiisa ayaa waxaa uu kala hadlayaa in suuragal ay tahay inay muujiyaan tanaasu iyaga oo maamulada Jubbaland iyo Puntland u ogolaanaaya in Xildhibaanada lagu soo xulo hab deegaan.

Xassan ayaa saaxiibadiisa ka dhageysanaaya aragtidooda, waxa ayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in qaarkood ay fakir ahaan ku raaceen Xassan in la qaato nidaamka deegaan xulista, halka qaarna ay kasoo horjeesten.

Xassan Sheekh rabitaankiisa maaha in Xildhibaanada lagu soo xulo qaab deegaan, balse waxaa jira cadaadis kore oo saaran Xassan, waxaana goor sii horeysay looga digay in shirka Kismaayo uu kusoo dhamaado natiijo la”aan.

Xassan Sheekh diyaar uma aha in gabi ahaan uu ka tanaasulo qodobada uu tiigsanaayo, balse waxaa lagu wadaa inuu u badan doono in maamulada uu u ogolaado inay soo xushaan Xildhibaanada, taasi oo noqon doonta mid caqabad ku noqoneyso isa soo sharaxaadiisa.

Lama saadaalinkaro sida uu xaalku noqon doono, waxaana magaalada Kismaayo ka socda kulamo u kala dhexeeya DFS iyo Maamulada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com