Xog: Madaxda maamul goboleedyada oo meel ka istaagay qorshe ay la yimaadeen madaxda DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in uu jiro qorshe la doonayo in dowladda Soomaaliya muddo laba sano ah waqtiga ay ku kororsato.

Qorshahan ayaa waxaa wada madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Cumar iyo guddoomiyaha baarlamanka Jawaari.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo markii hore diidanaa qorshahan ayaa la sheegay in iminka ay madaxda dalka ugu baaqeen inay arrintan ayaga un go’aan ka gaaraan, wixii ka yimaadana aysan mas’uul ka ahayn.

Warar ayaa sheegaya in madax maamul goboleedyada ay sidaan u yeeleen ayaga oo og in qorshahan uu yahay mid aan mari karin beesha caalamka, sidaa darteedna ay doonayaan inay ceeb dhex joojiyaan madaxda dowladda.

War cusub oo soo gaarayna Caasimada Online wuxuu sheegayaa in safaaradaha Mareykanka iyo Yurub ee Nairobi ay madaxda dowladda lasoo xiriireen una sheegeen inay iska hilmaamaan waqti kororsi.

Lama oga sida xaaladda ku dambeyn doonto waxaase muuqata inuu jiro damac weyn oo madaxda dowladda uga jira waqti korarsi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com