Xog cusub: Sidee ayaa loo fuliyey QARAXII maanta ka dhacay magaalada Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo maanta sacaddu markey aheyd abaaro 10:40am barqanimo ka dhacay Bar koontorool oo ciidamada amaanku ay ku leeyihiin agagaarka Isgoyska KM4 gaar ahaan waddada aada garoonka diyaaradaha ee Aadan-Cadde.

Ruuxa waday gaariga qarxay oo la sheegay in uu ahaay TOYOTA NOAH ayaa ciidamada amaanka ee ku sugnaay Barta koontorool waxa uu isku dayey in uu xoog ku dhaafo, balse ciidamada ayaa waxaa la sheegay in ay u diideen waxeyna dad goobjoog ahaay sheegeen in ciidamadu ka shakiyeen inta uusan is qarxin ruuxii waday gaariga.

Qaraxaas waxaa ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh, ku dhowaad 20 ruux ayaa ku geeriyootay, halka dhaawacuna uu istaas kor u dhaafayo.

Maamulka Isbitaal Madiina ayaa sheegay in la gaarsiiyey meydadka 17 qof iyo dhaawacyo intaasi ka badan, sidoo kale waxaa jira Isbitaalo kale oo la gaarsiiyey dadkii qaraxaas ku waxyeeloobay, waxaana wali la ogeyn tirada rasmiga ah ee dadka dhimasha iyo dhaawacu uu kasoo gaaray qaraxaas.

Dab ka dhashay qaraxaas ayaa sidoo kale ka kacay kaalin shidaal oo ku yaalla afaafka hore ee Hotel Afriik, waxaana waxaana u gurmaday gaadiidka Dab damiska waxaana lagu guuleystay daqiiqado kaddib daminta dabkaas.

Dadka uu khasaaruhu kasoo gaaray qaraxaas ee ka ag dhawaay goobta ayaa u badnaay dhalinyaro ku xamaala jirtay Mooto labo lugooleyda (FEKON) oo dadka ku geyn jiray  garoonka diyaaradaha, Askartii celisay gaariga iyo dad doonayey in ay ka dhoofaan garoonka Aadan-Cadde oo la sheegay in ay u badnaayeen Xujey doonayey in ay soo gutaan acmaasha Xajka.

Lamaha amaanka dowladda Soomaaliya wali kama war bixin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas.

Taliye ku-xigeen labaad ee Booliiska Soomaaliya Gen. Zakiya Xuseen ayaa barta ay ku leedahay baraha Bulshada waxa ay ku tiri, “Abbaarihii 10:40 subaxnimo ayee Ciidanka amniga ka hortagay baabuur noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonaayay inuu xoog ku maro checkpoint yaala KM4 halkaas oo uu ku qarxay. Waxaa qaraxaas ku dhintay askar iyo dad shacab ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen. Allah u naxariisto intii dhimatay inta dhawaacantay cafimaad dag dag ah inshallah”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com