Xog cusub: Sidee u dhacay weeararkii CAALMADOW ee Puntland ay ku dafirtay DF?

Boosaaso (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn Axaddii ka dhacday buurta Calmadow ee maamulka Puntland.

Weerarkan oo jiritaankiisa ay dafirtay Puntland kadib markii ay dowladda federaalka Soomaaliya soo saartay bayaan ay ku shaacisay in howl-galkaas lagu dilay in ka badan 20 Al-Shabaab ah oo ay ku jireen saddex horjooge.

Duqeyntan oo ay iska kaashadeen Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, ayaa la xaqiijiyay inay ka dhacday aag ka mid ah buurta Caalmadow ee gobolka Sanaag.

Cabdirisaaq Maxamed oo ku sugan yahay deegaanka Caalmadow oo la hadlay VOA ayaa sheegay in duqeyntaasi dhacday subaxnimaddii hore ee maalintaas, uuna maqlay qaraxyo dhowr ah oo illaa saddex ah.

“Waa isku xig-xigeen oo waxay ku dhaceen aag isku dhow. Meesha duqeynta ka dhacday waxaa la dhahaa Dul oo beero ayaa ku yaallo. Waa meel xagga Gubataa usii jeeda oo waa buuro dhexdood,” ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in duqeymo noocaan ah ay ka dhaceen dhowr jeer, “Waxaa ka dhacay duqeymo mar Al-Shabaab lala beegsaday iyo mar ay cidlo ka dhaceenba.”

Waxa uu intaas kusii daray “Ciidanka Puntland Gal-gala ayay ku sugan yihiin oo illaa 54 ayay u jiraan aagga ay ka dhacday duqeynta.”

Duqeynta ayaa lagu bar-tilmaameedsaday xero ay dagaal-yahaanno Al-Shabaab ah isku aruursanayeen, taasi oo ku taalla aaggaasi, ayada oo halkaasi lagu jabiyay dhagartii ay u maleegayeen shacabka ku nool deegaannada Puntland, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay DF.

Howl-galkan ayaa noqonaya midkii ugu cuslaa ee muddooyinkan dambe lagu beegsado Shabaab-ka ku dhuumaaleysanaya maamulka Puntland, xilli qeybo kamid ah dalka dib looga abaabulayo dagaalka dhanka ah kooxda.

Hoos ka dhageyso: