Xogta kulan muhiim ah oo madaxweyne Xasan uu maanta uga qeyb-galayo Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shirka sanadlaha ah ee bangiga horumarinta Afrika uga qeyb-galaya magaalada Nairobi Kenya.

Shirkan oo ah mid heer madaxweyne ayaa waxaa sanadkaan diirada lagu saarayaa dib u qaabaynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee Afrika.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeyb-geli doona madaxweynayaasha dalalka Africa qaar badan oo ka mid ah iyo madaxda bangiga horumarinta Afrika.

Soomaaliya ayaa heer fiican ka gaartay toosinta, maaraynta iyo maamulka maaliyadda, sida ay sheegtay xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Tallaabooyinka dhanka horumarka maaliyadeed uu dalkeenna u qaaday ayaa horseed u ah in dalka laga cafiyo dayntii lagu lahaa, islamarkaana hay’adaha dhaqaalaha ee adduunku sida World Bank, IMF iyo AfDB ay ku amanaan dawladda Soomaaliyeed heerkeeda maaraynta maaliyadda.

Si kastaba, Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Nairobi ayaa noqonaya kii afaraad oo muddo bil gudaheed ah uu ku tegay dalkaasi Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mid kamid ah safaradaas uga qeyb-galay shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo lagu qabtay magaalada Nairobi, halka uu mid kalena wada-xaajood dhanka gobolka uu kula qaatay madaxda Kenya, oo ugu horreeyo madaxweyne William Ruto.