Xog cusub: Xasan oo xildhibanada garabyadiisa ah ku hor furay shandad lacag ah xilli ay jiraan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheikh oo ku caan baxay xeelladaha uu isaga moosayo Mowjadaha Mooshinadda isaga ka dhanka ah ayaa waxa uu haatan libin hordhac ah ka gaaray sidii uu u kasban lahaa Taageeradda Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka.

Waxaana la dareemayaa in Xildhibaanadda isaga ka soo horjeeday inuu sii liicayo Hankooda Mooshinka, kadib, markii ay caqabado ballaaran ku soo faruurmildheen.

Madaxweynaha oo ka soo laabtay safar uu ku tegay Talyaaniga, ayaa waxa uu bilaabay La-tashiyo uu la leeyahay Xildhibaanadda isaga taageersan, si ay uga arrinsadaan Qorshaha looga naafeynayo Mooshinka ay wadeen Xildhibaanadda isaga mucaaradka ku ah.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegayo inuu Madaxweynaha haatan moraal ahaan ka wanaagsan yahay tan iyo markii Mooshinka looga soo horjeedo loo gudbiyey Guddoonka Barlamaanka.

Waxaana uu bilaabay inuu Xildhibaanadda ku martiqaado Villa Somalia, si ay u helaan Dufanta Dhaqaale ee ay ku muteysteen sida ay u difaacayaan Danaha Madaxtooyadda.

Xogaha hoose ayaa sheegayo in Xilddhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye loo xil-saaray inay Xildhibaanadda waday Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha ku kala furfurto Tashkiilin iyo Hadal dufanaysan, waxayna kasbatay inay Xildhibaanno ka soo go’aan Xildhibaanadda ay hayinka u hayeen C/raxmaan Xoosh Ashkir iyo C/llaahi Goodax Barre.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu go’aansaday inuu Mooshinka ku kala furo Dhaqaale ku jiro Shandado uu kala soo laabtay dalka Imaaraadka Carabta.

Warar xogogaal ayaa sheegayo inay Madaxweynuhu magaalladda Abu Dubai kula kulmay Diplomaasiyiin Carbeed iyo kuwo Reer Galbeedka, kuwaasi oo uu kala tashaday Qorshaha lagu kala furfurayo Mooshinka isaga ka dhanka ah.

Madaxweynaha oo damac dhow iyo mid fog ka leh sidii uu ugu sii nagaan lahaa Villa Somalia ayaa waxa uu bilaabay Shir Khaas aah oo uu la yeeshay Ergo Xildhibaanno ah oo lagu tilmaamo kuwa ugu daacadsan ee la safan Madaxweynaha.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda ayaa rumeysan inay la saan-qaadayaan hadba dhinaca ay dufanta ka jirto, isla markaana ay og yihiin inaysan Siyaasaddu lahayn Saxaiib joogto ah, balse ay leedahay daanno joogto ah.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu miisaaniyad maaliyadeed u qoondeeyey inuu ku kala furfuro Xildhibaanadda isaga ka soo horjeeda, oo iyagu haatan ku cataabaya inay Guddoonka Barlamaanka u dhigteen Isbaaro Siyaasadeed oo sababtay inaan miiska laga soo qaadin Qoraalka Mooshinkooda oo u muuqda in laga xiiso dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com