Dhageyso: Faahfaahin dagaalkii Caabudwaaq iyo wasiir Maxamed Xayir oo ka hadlay wixii dhacay

Caabudwaaq (Caasimada Online) –  Dagaal Xoogan ayaa saaka ka bilowday degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Galmudug iyo ciidamada Ahlu sunna, kadib markii shalay magaalada uu dagaal ka dhacay.

Dagaalka ayaa xoogiisa wuxuu ka dhacayaa Galbeedka magaalada Caabudwaaq gaar ahaan xaafada loo yaqaan October, halkaasi oo shalay dagaal xoogan uu ka dhacay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka lagu qaaday guriga uu degmada Caabudwaaq ka degen yahay wasiirka ganacsiga maamulka Galmudug C.ladhiif cabdulaahi Warsame .

Dhawaqa rasaas xoogan oo ay is dhaafsanayaan labada dhinac ayaa laga maqlayaa guud ahaan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in saaka dadka ay bilaabeen iney ka barakacaan dhanka Galbeed ee magaalada Caabudwaaq, waxaan laga baqayaa in dagaalka xoogiisa uu gaaro xaafadaha kale ee magaalada.

Ahlu sunna ayaa shalay sheegtay in Galmudug ay weerar kusoo qaaday degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, halka Galmudug ay ku jawaabtay in weerarka aysan ka dambeyn Ahlu sunna laakiin ka dambeeyaan kooxo yar oo sheeganaya Ahlu sunna.

Wasiir ku xigeenka dastuurka maamulka Galmudug Maxamed Xayir Nuur ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay dhacay degmada Caabudwaaq, wuxuuna sheegay in ciidamada Ahlu sunna ay weerarka kusoo qaadeen degmada.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com