Daawo: Cidda dhab ahaan u leh DHULKA la isku haysto ee Xashi Bulxan sheegtay oo la cadeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmahan waxaa bulshada Soomaaliyeed ay hadal hayeen dhul ku yaalla degmada Cabdicasiis oo nin darawal u ahaan jira Maxamed Siyaad Barre, laguna magacaabo Bulxan Xaashi uu sheegay in laga boobayo.

Ninkaasi, ayaa waxa uu isugu yeertay warbaahinta, waxaana uu kasoo muuqday TV-yada isaga oo oynaya, sheegayana in gurigiisa awood qabiil looga qaadanayo. Soomaalida oo aan waxba hubsan, islamarkaana dhageysan dhinaca kale ee sheekada, ayaa durba billaabay qeylo dhaan.

Dhulkan, ayaa waxaa sidoo kale lahaanshahiisa sheegtay laba gabdhooda oo lagu kala magacaabo Duniya iyo Haweeya, balse farqiga u dhaxeeya labadan gabdhood iyo Bulxan ayaa ah in ayagu ay soo bandhigeen warqadaha lahaanshaha dhulka, halka Bulxan uusan wax caddeymo ah haysan.

Haddaba sida ay wax u jiraan, ayaa waxaa si buuxda uga hadlay guddoomiyaha guddiga xalinta dhulalka la isku haysto ee magaalada Muqdisho Saalax Sheekh Ibraahim. Saalax, oo wareysi siiyey taleefishinka qaranka, ayaa bulshada tusay caddeymaha dhulkan iyo xaqiiqda cidda iska leh.

Hoos ka daawo