Saldhiga Caabudwaaq oo maanta lala wareegay iyo Ciidamada maamulka GALMUDUG oo la…

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal saaka ka bilowday degmada Caabudwaaq oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe iyo kuwa maamulka Galmudug.

Dagaalka oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa ciidamada maamulka Galmudug ee taabacsan wasiirka ganacsiga C/ladhiif Cabdulaahi Warsame , waxaa ugu suuro gashay iney qabsadaan goobihii lagu dagaalamayay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu sunna laga saaray magaalada oo uu ka dhacay dagaal xoogan, waxaana wararka sheegayaan in ciidamada Galmudug ku sugan yihiin magaalada.

Goobjoogayaal ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamada Ahlu sunna laga qabsaday saldhiga degmada Caabudwaaq oo markii horaba ay ka dagaalamayeen.

Laakiin wararkii ugu dambeeyay oo aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu sunna ay dib u qabsadeen saldhiga magaalada Caabudwaaq, lagana saaray ciidamadii maamulka Galmudug ee ku sugnaa saldhiga iyo xaafado ku xeeran.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug ay ka laabteen magaalada Caabudwaaq ayna gaareen magaalada Cadaado.

Dagaalka ayaa isku badalay qaab qabaa’ileed.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com