Xildhibaanno ka tirsan BF oo dhacdo yaab badan kala kulmay saraakiil ETHIOPIAN ah (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Cali Magan, oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia ayaa si caro leh uga hadlay fal ay kula kaceen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ethiopia ee ka howlgala Gobolka Gedo.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ay is hortaag ku sameeyen isaga iyo Xildhibaano la socday si ay u booqdan Magaalada Garbahaarey si ay xog uga soo uruuriyaan nolosha dadka halkaasi ku dhaqan.

Wuxuu sheegay in Ciidamada Ethiopia ay u diiden inay tagaan Garbahaarey, isagoo intaasi ku daray in sababta ay tahay mid ay ka danbeeyso Maamulka Jubbaland oo uu ku sheegay mid ka weecday shuruucda dalka.

”Axmed Madoobe wuxuu doono ayuu ka samaystaa Jubbooyinka iyo Gedo, isagoo adeegsanaya Ciidanka Ethiopia, waxaa naloogu hanjabay in nala xirayo haddii aan tagno Garbahaarey”

Waxa uu sheegay inay ahaayen Wafdi badan goortii ay damceen inay galaan Magaalada ay caqabada ugu horeysay noqotay in Ciidamada Ethiopia ay is hortaagen.

Geesta kale, Xildhibaanka ayaa dhinaca kale sheegay in caleema saarka Axmed Madoobe ee dhici doonta 12-ka bishaan aanu ka qeybgali doonin, isaga oo sheegay hadii ay taasi dhacdo inay la mid tahay isaga oo qiyaanay shacabka uu matalo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com