Xog: Fadeexad ka dhalatay dad uu Xasan Sheikh ka iibsaday Visa oo u raacay safarkii Talyaaniga

Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa fadeexad kala kulmay Dowlada Talyaaniga kadib markii safarkiisii ugu danbeeyay uu horay u kaxeeyay xubno Muhaajiriin ahaa.

Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu safarkiisii Roma horay usii kaxeeyay 3 Xubnood oo iyagu laga iibiyay Fiisooyin kuwaasi oo ay xogtu sheegeyso in laga qaaday min 18,000$ oo lacagta mareykanka ah si ay halkaasi kaga sii gudbaan iyaga oo aan laga qaadin wax faro ah.

Seddexdaani dhalinyaro ee uu Xassan Sheekh ka iibsaday Fiisooyinka horayna usii raacay ayaa waxaa hal kamid ah xubno ay qaraabo yihiin mid kamid ah Wasiirada Xukuumadii hore ee Ra’isul Wasaare C/weli Sheekh Axmed, sida ay Caasimada Online xogtu ku heshay.

Arrimaha noocaani ah ayaa waxaa dhowr jeer oo sii horeysay lagu eedeeyay Madaxtooyada Somalia, gaar ahaan Madaxweyne Xassan waxa ayna noqoneysaa mid caado ka ah dhanka Madaxweynaha.

Madaxweyne Xassan ayaa inta badan Safaradiisa horay usii kaxeeya dhalinyaro loo muuqaal ekeysiiya Istaafka dharcadka ah ee isaga la socda, iyadoona saacado kadib laga war helay nusqaan ku yimid tiradii la soctay Madaxweynaha.

Geesta kale, arrimaha ceynkaani ah ayaa kaalin miisaan leh ka qaadaneysa sharaf dhac iyo kalsooni darro ku dhacda Dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Roma
Caasimada@live.com