25.6 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Xog cusub: Yaa ka dambeyey in Turkish Airlines ay joojiso duulimaadyadii garoonka MUQDISHO?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda duulimaadka Turkish Airlines ayaa duulimaadkii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho baajisay seddax maalmood ka hor, intii aysan dhicin qaraxii lala beegsaday diyaaraddii Daallo Airlines 2-Febraayo, iyadoo arrintaan ay ka danbeysay digniino dhinaca amaanka ah oo laga helay ilo sirdoon oo ku xiran dowladda Ingiriiska iyo reer galbeedka.

Warar aan helnay ayaa sheegay in xubno ka tirsan sirdoonka Britain ay bixiyeen xog ah in weeraro hoobiyeyaal iyo kuwo qaraxyo ah laga fulin doono garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana laba maalin kadib oo ku beegneyd 1 Febraayo hoobiye lagu soo garaacay agagaarka xarunta Madaxtooyada.

Shirkadda Turkish ayaa baajisay markii warbixintaasi lagu wargeliyay, waxaana seddax maalin kadib ay aheyd markii hawada lagu qarxiyay Daallo Airlines, inkastoo warbixintaasi lala wadaagin sirdoonka dowladda federaalka Somalia iyo shirkaddaha duulimaadyada kale ee ka howlgala Muqdisho.

Illaha sirdoon ee ku sugan magaalada Muqdisho oo warbixintooda ay rumeysan yihiin hay’addaha sirdoon ee dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka, ayaa haboonaan laheyd in ay shaqsiyaadkaasi dowladda ka war qabto lana macaamilaan, maadaama hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka aysan u tababarnayn howlaha loo igmaday.

Muqdisho ayaa waxaa ku sugan muwaadiniin Soomaaliyeed oo haysta jinsiyadaha dalalka Ingriiska, Mareykanka iyo dalalka kale kuwaasi oo sirdoonada qaarkood la shaqeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News