Arag sawirro: Wasiirada DF oo cayaaraya kubad

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Odawaa ayaa Sawirkaani iska qaaday xili uu ku howlanaa dhex galka Bulshada waxa uuna goortaasi booqday garoon macmal ah oo ay ku dheelan dhalinta.

Wasiir Odawaa goortii uu galay garoonka waxa uu halkaasi kusoo bandhigay inta yar ee uu ka garanaayo kubada waxa uuna isku dayay in marba uu dhinac ula jeesto kubada.

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka waxaa intooda badan ku yaalla goobo lagu dheelo kubada kuwaasi oo doog ah.

Madaxda Dowlada Somalia ayaan dhaqan u laheyn dhexgalka Bulshada, waxa ayna inta badan ka faanaan goobaha ay ku shaahan misna ku dheelan dhalinta, waxa uuna Sawirkaani meesha ka saarayaa sinaan la’aanta Madaxda dalka.
Odowaa1

Odowaa2

Odowaa3

Odowaa4