26 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Xog cusub: Yaa kamid ah xildhibaanada culeyska siyaasadeed ku haya DF?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda kulamo kala duwan oo u dhexeeya Xildhibaano ka tirsan BFS.

Kulamada oo ka duwan kuwii hore ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo dhowra oo ku saabsan Siyaasada dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo arrinta Sargaalka ONLF ee loo gacangalshay dowlada Ethiopia.

Kulamada socda ayaa qaadan doona muddo Seddex cisho ah, waxaana isku arkaaya Xildhibaano miisaan ku dhex leh BFS kuwaa oo seddexdii asbuuc ee ugu danbeysay dhaliilo u jeedinaayay dowlada Federaalka.

Xildhibaanada oo u muuqda kuwo ka faa’iideysanaaya arrinta xiisaha leh ee Qalbi Dhagax, ayaa sheegay in maalmahanba ay raadinayeen cida dhiibtay Qalbi-Dhagax, balse iminka ay la yaabeen go’aanka Golaha Wasiirada.

Xildhibaanada horboodaya kulamada lagu caburinaayo dowlada ayaa waxaa kamid ah:

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaan Zakariye, Xildhibaan Maxamuud C/llahi Axmed Abuukaato iyo Xildhibaan Axmed Xaashi oo ka tirsan baarlamaanka waxaana wehliya Xildhibaan Axmed Fiqi.

Xildhibaanada ay hogaaminayaan kuwa aan kor ku xusnay ayaa iminka haya tirro lagu sheegay 67 Xildhibaan, waxa ayna ku howlan yihiin tirro kordhin.

Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa la kulmeysa culeysyo kaga imaanaya dhanka baarlamaanka Somalia kaa oo salka ku haya dano gaara oo ay leeyihiin shaqsiyaad ka tirsan mucaaradka dowlada.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Federaalka ayaa dhagaha ka fureysatay qeyla dhaanta Xildhibaanada baarlamaanka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News