Hailemariam oo si dadban uga hadlay arrinta Qalbi Dhagax ee muranka dhalisay

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Ethiopia ay ka fiirsan doonto shaqsiyaadka ka tirsan ONLF ee ku sugan dibadda.

Hailemariam Desalegn, waxa uu tilmaamay in dowlada Ethiopia aysan u dulqaadan doonin carqaladeyn dhinaca amniga.

Waxa uu Mr Hailemariam Desalegn cadeeyay inay la dagaalami doonaan koox waliba oo isku daydaa inay carqaladeyso amniga dalka Ethiopia.

“Ma aqbali doono in dhexda loo xirto carqaladeynta amniga, cidna ugama aamusi doono carqaladeyn amni, waxaana naga go’an inaan gacan bira ku dhigno kuwa ku howlan taakuleynta argagixisada iyo kuwa cadowga ku ah dalka”

Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in dowlada Ethiopia ay baari doonto kiisaska la xiriira Qalbi Dhagax iyo Saraakiisha kale ONLF ee ku jira gacanta dowlada.

Waxa uu Hailemariam Desalegn carab dhabay in dowladiisu ay qadarin gaara siin doonto kuwa ka tirsan Kooxaha argagixisada ee isku soo dhiiba dowlada, ka hor inta aan lasoo qaban.

Sidoo kale, Hailemariam Desalegn waxa uu sheegay in dowladiisu aysan ku xadgudbi doonin dastuurka dalka, balse kiis waliba ay marin doonto waxa uu dastuurka Ethiopia ka qabo.

Haddalka Hailemariam Desalegn, ayaa imaanaya xili uu jiro guux siyaasadeed ka dhashay xariga iyo dhiibida Sargaalka ONLF Qalbi Dhagax.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com