Khilaaf cusub oo ka dhex curtay DF iyo hay’adda maamusha hawada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Khilaaf buuran uu ka dhex curtay dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Hay’adda caalamiga ah ee Hawada Adduunka ICAO.

Khilaafka ayaa la xaqiijiyay inuu soo ifbaxay ka dib markii Hay’adda ICAO ay is hortaagtay qorshaha dowlada Somalia loogu wareejin lahaa Hawada taa oo kala dhantaashay rajadii ay dowladu ka laheyd hanashada maamulka Hawada.

Khilaafka dowlada iyo Hay’adda waxa uu sii xoogeystay kadib shuruudo adag oo ay hay’adda ICAO hordhigtay Somalia kaasi oo xadidaya diiyaaradaha imaan kara Somalia, oo ka dhigan in dowladda hadda jirta aysan si madax banaan u maamuli doonin hawada dalka.

Hay’adda oo kasoo horjeeda in Somalia loo madaxbaneeyo Hawada, ayaa waxa ay sheegtay in hadii Somalia lagu wareejiyo hawadeeda hoos loo dhigi doono joogga ay ku duulaan diyaaradaha kaasoo hadda dhan 1000Ft.

Waxa ay Hay’addu madaxda DF ku wargalisay in la xiri doono jihooyinka qaar, halka kuwa kalena la xadidi doono waa haddii ay dhacdo in lagu wareejiyo hawada.

Hay’addda ICAO waxa ay intaa raaciyeen in ay hoos u dhici doonaan diyaaradaha adeegsan kara hawada Somalia, taa oo la sheegay inay la xiriirto arimaha ammaanka hawada.

Hadii Somalia ay aqbali weydo shuruudaha ICAO ,waxaa hawada Somalia maamulkeeda loo qaybin doonaa dalalka Seychelles iyo Hindiya ,lamana saadaalin karo waxa uu noqon doono go’aanka dowladda hadda jirta.

Dhibaatooyinka Somalia iminka ka heysta Hawada ayaa soo bilowday sanadkii 1993-dii markaasi oo Hay’adaha UNDP iyo ICAO ay si wada jir ah u asaaseen mashruuc loogu magac daray TAP ,kaasi oo loogu tala galay in uu bixiyo adeegyada hag-gida hawada Somalia.

Dowlada Somalia ayaa diidan in lagu xadgudbo Hawadeeda waxa ayna xooga saareysaa sida ay kula soo wareegi laheyd iyadoo aan la nusqaamin.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa arrintaani u kaashaneysa Hay’ado kale oo xiriir la wadaaga Hay’ada ICAO oo hadda maamusha hawada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com