Dhageyso: Xukuumadda Somalia oo dib u eegis ku sameeneysa heshiisyada Dowladdii Xasan Sheekh

Muqdusho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib u eegis ay ku sameyn doonto dhammaan Heshiisyadii ay gashay Dowladdii Hore.

Wasiirka ayaa sheegay in Heshiisyadaasi lagu sameyn doonto qabyo tir,islamarkaana la waafajin doono Sharciyadda u yaalla dalka Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamtay in heshiisyaddaasi qaarkood ay suurtagal tahay in aysan waafaqsaneyn Shuruucda dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadalkaan sheegtay ka dib markii ay wareejisay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi oo gacanta loo galiyay dowladda Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay iney jiraan heshiisyo horay Dowladdii Xasan Sheikh u la gashay Dowlado kale kuwaasi oo aan la marsiin Baarlamaanka Soomaaliya.

Warkaan ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli ay jiraan heshiisyo aan munaasab ahayn oo Dowladdii hore ay gashay kuwaasi oo muran badan ka yimid.