Xog: Cabdi Weli oo socdaalki Puntland ka baaqday kaddib cadaadis xooggan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa ka baaqday socdaal uu ku imaan lahaa Puntland ka dib markii ay soo baxeen cadaadisyo cusub.

Cabdi Weli, oo doonayey inuu ka qeyb galo caleemo saarka wax loogu yeeray boqorka Daarood, ayaa aad loogu dhaleeceeyey siyaadiisa cusub ee qabyaaladeysan, kuna xiran Puntland iyo Jubaland.

Xubno ku dhow Cabdi Weli ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaaraha lagula taliyey in socdaalkan uu dhaawici karo magaciisa.

Labo jeer oo hore ayuu socdaal uu Cabdiwali Shiikh ku iman lahaa Puntland ka baaqday taasoo dhabar jab wayn ku ah madaxwaynaha Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo u diyaar garoobay qaabilaada wafdiga uu Cabdiwali Shiikh hoggaaminayo.

Magalada Garowe waxaa ku sugay wasiiro ka socda DF oo ay ka mid yihiin wasiirka qorshaynta iyo wasiirka tacliinta sare waxayna degan yihiina aqalka madaxatooyadda iyadoona wararka la helayo ay sheegayaan inay labada dhinac wada hadleen.

Wasiirk qorshaynta DF Siciid Cabdilaahi Dani, ayaa sheegay inuu wanagsan yahay xiriirka Puntland iyo DF taasoo meesha saaraysa khilaafkii labada dhinac u dhaxeeyay.

Arrint sid wayn loo hadal hayo ayaa ah sababta uu dhowrka jeer uga baaqday Ra’iisul wasaraha Somaliya socdaalka uu Puntland ku imaan lahaa, iyadoona lala socda socdaalo is-dabo joog ah oo uu Cabdiwali Shiikh ku tagay deegaano ka tirsan gobalada Koonfurta iyo magalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com