Sawirro: Xasan Sheekh oo u shaah iyo sheeko tagay baararka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay ku caweeyay Jazeera Hotel, oo ku yaala Degmada Wadajir ee Galbeedka Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa si kedis ahayd kaga dul dhacay dadkii ku caweynaayay Hotel Jazeera, iyadoo la arkaayay isagoo la sheekeysanaaya tiro dad ah, oo siyaabooyin kala duwan kuraas iyo miisas ugu fadhiyay.

Madaxweynaha, ayaa dadka weydiinaayay su’aalo la xiriira ammaanka Magaalada Muqdisho iyo aragtidoodu ku aadan, sidii loo xoojin lahaa amniga Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Hotel Jazeera waxa uu ka mid yahay goobaha lagu hoydo ee ugu ammaanka badan Magaalada Muqdisho, iyadoo ay amnigiisu suggaan Ciidan si gaar ah loogu talla galay.

Maamulka Hotel Jazeera, ayaa xiriir dhow la leh Madaxtooyada, waxaana degan dad u badan Qurbo Joog, kuwaa oo Hotelka marti ugu ah Madaxda Dowladda, oo dejiyay.

Waa kormeerkii 2-aad oo Madaxweynaha Somaliya uu ku sameeyo qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, xilli habeen ah.

10374466_10203624364388350_3495252959594351594_n

6702_10203624363508328_1299480754449348631_n

10345538_10203624364108343_6864897339649015486_n

10336662_10203624364588355_3650619940025655373_n

1908300_10203624363708333_3892167230511995427_n

10320327_10203624364468352_4961749568819479622_n

xs2

xs3xs4