Madaxweyne Xasan Sheekh oo aaday Kaanfur Afrika & ujeedka socdaalkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud, ayaa goordhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Muqdisho isagoona ku wajahan dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa la sheegay in ay ka qeybgali doonaan caleema saarka madaxweynaha Koonfur Afrika Jakob Zuma, kaasoo dhawaan ku guuleystay doorasho dhawaan ka dhacday dalkaas.

Madaxweynaha sidoo kale wuxuu kaloo la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika.

Waxaa kaloo madaxweynaha lagu wadaa in uu la kulmo madaxda dalka Koonfur Afrika, isagoona kala hadli doonaa xiriirka u dhexeeya labada waddan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool Soomaali badan, kuwaasoo ganacsi ku leh dalkaas balse dilal joogto ah ayey markasta kala kulmaan dadka dalkaas ku nool.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com