Ciidamada AMISOM oo lagu qarxiyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in kolanyo ay la socdeen ciidamada AMISOM in lagu qarxiyay deeganka Ceelasha biyaha ee duleedka Koonfureed ee Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in arkayn mid ka mid ah kolanyada ciidanka AMISOM oo qaraxa uu haleelay iyo askar ku dhaawacantay balse ma sheegin faah-faahin kale.

Qaraxa kaddib ciidamada AMISOM ayaa furay rasaas xooggan, taasoo aan wax yeelo gaarsiin balse cabsi iyo khalkhal ku abuurtay dadka deeganka.

Ciidamada AMISOM ayaa isku gadamaaday goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana ay wadaan baaritaano.

Ma jirto cid ka hadashay qaraxa oo ahaa miinada kuwa dhulka lagaliyo oo ka dhacay deeganka Ceesha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com