C/WELI oo la saftay garab ka mid ah…

Beledxaawo (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu Sunna ee gobalka Gedo ayaa ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in uu la saftay dhinac ka mid ah maleeshiyaad ku dagaallamay degmada Beledxaawo.

Shiikh Cabdirisaaq Maxamed (Al Ashcari) oo ka mid ah madaxda Ahlu Sunna ee gobalka Gedo ayaa ra’iisal wasaaraha ku eedeeyay in uu la saftay mid ka mid ah kooxaha ku dagallaamay Beledxaawo isagoona intaas ku daray in taasi ay sharraf darro ku tahay xilka uu hayo.

Ashcari ayaa xusay in xaqiijin karaan ra’iisal wasaaraha in uu la saftay garabyadii ku dagayaallamay Beledxaawo oo xittaa dhaqaale iyo hub uu siiyyay sidda uu hadalka u dhigay.

Marka laga soo tago hadalka Ashcari waxaa soo baxayay in ay jiraan warar sheegaya in uu raa’iisal wasaaraha taageersan yahay.

Maleeshiyaadka ku dagaallamaya Beledxaawo waxay qaar badan ka yimaadeen Kismaayo oo waxaa taageersan Axmed Madoobe, waxaana la doonayay in ay qabsadaan Garbahaareey oo ay ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda iyo maamulka Ahlu Sunna.

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa ku sugnaa magaalada markii ay arkeen khilaafka ka dhex aloosan labada ciidan waa ay ka baxey magaalada oo waxay dib ugu laabteen Doolow.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com