DADKA laga soo tarxiilay KENYA oo la ogaaday tiradooda waxaana ku jirra..

Nairobi (Caasimada Online)-Warbixin cusub oo ay soo saartay maanta oo Jimco ah hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa  looga hadlay Soomaalida laga qabqabtay Kenya ee dib loogu celiyay Soomaaliya.

Warbixinta hey’adda ayaa lagu sheegay in 359 qof oo Soomaali ah oo si sharci-darro ah ku joogtay dalka Kenya dib loogu celiyay dalkooda tan iyo horaantii bishii April ee sanadkan, xilligaas oo uu billowday howgalka Usalama Watch oo ku saabsan ammaanka Kenya.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in saddex qof oo ka tirsan dadkii la masaafuriyay ay haysteen warqadaha aqoonsiga ee ay bixiso hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Hay’adda ayaa sheegtay in 20-kii bishan May ee aynu ku jirno dowladda Kenya ay magaalada Muqdisho dib ugu celisay 98 qof oo ay ku jiraan 12 carruur ah, iyadoo aan la wargelinin hay’adda UNHCR.

Leyla cli Caddow, waa Soomaali ay booliska soo xireen, waxaana ku jirtaa xabsi ku yaalla Nairobo iyadoo xanuunsan
Leyla Cali Caddow, waa Soomaali ay booliska soo xireen, waxaana ku jirtaa xabsi ku yaalla Nairobo iyadoo xanuunsan

Gerry Simpson oo ah Cilmi baarre ka tirsan hay’adda Human Rights Watch una qaabilsan daraaseynta arrimaha qaxootiga ayaa sheegay in sharci buuxo aanay ahayn in si khasab ah dadka loogu celiyo Soomaaliya, halkaas oo uu sheegay in ay suuragal tahay in ay dadku kala kulmaan halis ay ka mid tahay in la jirdilo ama loo gaysto dhibaatooyin kale.

Gerry ayaa intaas ku daray in masaafurinta dadka ee lagu celinayo goobaha aan xasilloonayn ee Soomaaliya ay muujinayso in aanay ku wanaagsanayn xuquuqdooda iyo ammaankooda.

Sarkaalka ayaa xusay in dowladda Kenya looga baahan yahay in ay u oggolaato qof walba oo la masaafurinayo in uu iska difaaco tallaabada lagu masaafurinayo ama uu magan-gelyo dalbado.

Hay’adda UHNCR ayaa sheegtay in dalka Kenya laga masaafuriyay 83 qof 9-kii bishii April ee sanadka, 91 qof oo kalena la masaafuriyay 17-kii April, halka 87 qofna ay Kenya masaafurisay 3-dii bisha aan ku jirno ee May, iyadoo 98 qof la masaafuriyay isla 20-kii May, kuwaas oo dhammaantood dib loogu celiyay Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com