Danjire Key oo Golaha Ammaanka QM u sheegay arrimo la xiriira Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Ergayga gaarka ee ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Key ayaa ka digay xaaladda Soomaaliya, isagoona sheegay in hiigsiga 2016-ka aaney la gaari karin marka loo eego sidda ay wax u socdaan.

Key ayaa Khamiistii u xog warramay golaha ammaanka Qaramada Midoobay isagoo ku sugan Muqdisho oo qadka Vidio-ga ayuu ka hadlaayay.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qabatay wax yaabo badan oo mahadiyo balse wuxuu ka dardaarwariyay sidda ay wax u socdaan iyo khilaafka cusub ee ka soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo xildhibaannada baarlamaanka kaasoo dib u soo celin kara khilaafkaadka ragaadiyay madaxda dowladda.

Waxa uu ka digay xaaladda siyaasadda, ammaanka iyo bini’aadinimada ee Soomaaliya isagoona tilmaamay in ay jiraan ifafaalo aan fiicneen oo muuqda.

Key ayaa xusay in ra’iisal wasaaraha cusub tan iyo markii uu yimid xafiisak uu qabtay arrimo badan balse siddii la rabay aaney wax socon.

Mr. Key ayaa xusay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in dhaqangaliso dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla isla markaana horseed u noqdo siddii doorasho xor ah ay uga dhici lahayd dalka.

Wuxuu kaloo sheegay in loo baahan yahay in la dardargaliyo nidaamka fedaraalka ee la rabo in dalka oo dhan laga dhaqangaliyo.

Danjire Key ayaa golah amamanka QM u sheegay in uu yahay qof rajo fiican leh oo saadaalinaya wanaag islamarkaana uu rabo Soomaaliya in ay horrey u sii socoto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com