Xildhibaan ka tirsan BF oo ugu baaqay DF inay ku dayato Somaliland, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Maxamed Cumar Dalxa, oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Somaliya, ayaa wuxuu ku baaqay in Dowladda Soomaaliya, ay ku dayato Somaliland.

Xildhibaanka, ayaa sheegaaya inaanay Dowladdu xiriir wanaagsan la lahayn shacabkeeda, isla-markaana aynaan shacabku ka qayb qaadan dadaalada Dowladdu ku dooneyso, in ay nabad ugu soo dabaasho dalka.

Wuxuu soo hadalqaaday Xukuumada Somaliland iyo sida ay shacabkeedu ula shaqeeyaan, iyadoo uu ku baaqay in Dowladda Soomaaliya ku dayato Somaliland, si ay xasilooni ugu soo dabaasho Deegaanada ay ka arrimiso.

Sidoo kale wuxuu sheegay Hay’adaha ammaanka ee Somaliland in ay wada shaqayn la lee yihiin shacabka, isla-markaana ay la socdaan dhaq dhaqaaqa shakhsi kasta, oo gudaha u soo gala Magaalooyinka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, ayaa soo jeediyay Dowladda Somaliya inay la timaado ficil dhab ah, oo ay joojiso in Warbaahinta oo kaliya ka sheegto wada shaqayn kala dhaxeyso shacabkeeda.

Xildhibaan Dalxa oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaaladda Muqdisho, ayaa Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ugu yeeray in ay dadaal muujiso, isla-markaana ay kasbato kalsoonida shacabkeeda.

Hadalka ka soo yeeray Xildhibaan Dalxa, ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli Madaxda Dowladdu ay Warbaahinta oo kaliya ka sheegaan, in uu xiriir aan jirin kala dhaxeeyo shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com