KENYA OO HESHIIS UGA BAXDAY DFS

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ka baxday heshiis saddex-geesood ahaa ee ay wada saxiixdeen ayada, dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda qaxootiga ee UNHCR, kaas oo dhigayay inaan si khasab ah lagu celin qaxootiga Soomaalida.

Tan iyo markii uu billowday howlgalka ammaanka horraantii Abriil, Kenya waxay Soomaaliya u masaafurisay 359 qof oo Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jireen saddex qof oo qaxootinnimo u diiwaangashanaa.

Dadkii ugu dambeeyay ee ay masaafurisay oo ka koobnaa 98 qof, waxaa ku jiray 12 carruur ah.

Hay’adda u doodda xuquuqda bini’aadamka ee Humar Rights Watch ayaa si kulul u cambaareysay tallaabada ay Kenya kula kacayso qaxootiga Soomaalida.

“In dad loo masaafuriyo goobo ay colaad ka jirto waxay muujineysaa tixgelin la’aanta xuquuqdooda iyo bad-qabkooda,” ayuu yiri Gerry Simpson oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Huma Rights Watch.

Sida ay sheegtay UNHCR, dadkii la celiyay May 20 waxay xabsiyada ku jireen 10 ilaa 30 maalmood.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com