Xog: Mooshinkii Xasan Sheekh oo soo laba kacleeyey & siyaasiyiin culus oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmihii u dambeeyay uu shiiqey ama uu hoos u dhacay kaddib markii la kala fur furay Xildhibaanadii doonayay in Madaxweynuhu is-casilo, ayaa waxaa mar kale billowdey ololaha ay xildhibaanadu ku doonayaan in gebi ahaanba Madaxweynuhu meesha ka baxo.

Hoteelada magaalada Muqdisho ayaa mar kale waxaa dib uga billowdey kulamo iska soo hor jeeda oo ay halkaa ka wadaan Xildhibaanada Barlamaanka ee taageersan Madaxweynaha iyo kuwa ka soo hor jeeda.

Xildhibaanadan madaxweynaha ka soo hor jeeda ayaa waxa ay wadaan diyaarinta Mooshin ka dhan ah madaxweynaha si ay baarlamaanka u hor geeyaan halka xildhibaanada kalena ay isu diyaarinayaan sidii ay uga hor tegi lahaayeen mooshinka ay wataan xildhibaanadan.

Xildhibaanadan Mooshin diyaarinta ku jira ayaa sheegaya in Seddax u dalool hal dalool loo baahan yahay markii mooshin la diyaarinayo taasoo micnaheedu yahay in 94 xildhibaan la helo. Xildhibaanadan ayaa sheegaya in iminka ay haystaan illa 84 xildhibaan, islamarkaana ay sugayaan xildhibaano kale oo dibadda ka imaanaya.

Xildhibaanadan mooshinka gadaal ka riixaya ayaa sheegay in ay sugayaan xubno muhiim ah oo ay ka mid tahay xaaska Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Caasha Xaaji Cilmi iyo Cali Khaliif Galayr, kuwaasoo si weyn uga soo horjeeday weligoodba Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba waxaa haatan dib u soo laba kacleeyay mooshinkii laga diyaarinayay Madaxweynaha oo maalmihii la soo dhaafay si weyn hoos ugu dhacay iyadoo dhinaca kalena xildhibaanadan ay raja ka qabaan in ay ku soo biiraan xildhibaanno kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com