Fadeexad musuq-maasuq oo cusub oo kusoo baxday Dowladda Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Norway ayaa sheegtay in la musuq-maasuqo Lacagaha Deeqda ah ee Caalamka ku taageero Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidaasi darteedna ay Bangi si gaar ah loo leeyahay ay ku dirayaan Lacagta.

Heikki Eidsvoll Holmås, oo ah Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Dowladda Norway ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya uu yahay dal leh Taariikh modow oo Musuq-maasuq ah, gaar ahaan Madaxda Dowladihii ugu danbeeyay & tan hadda jirta, iyadoo arintaasina keentay in Caalamka uu ka kalsooni baxo.

Wuxuu sheegay in Dowladiisa Todobaadkii tagay ay Lacago Mushaar ah oo loogu tala galay 380 Shaqaalaha Dowladda Fedaraalka ah ay u marsiiyay PriceWaterhouseCoopers (pwc), oo ah Bangi laga leeyahay dalka dibadiisa oo Muqdisho ka shaqeeya.

“Bangiga Dhexe & Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa la degay Musuq-Maasuq Baahsan oo dhici karta in Mushaarka aan ugu talo galnay Shaqaalaha Dowladda in la lunsado, markii taasi si aysan u dhcin waxaana ku dirnay Lacagta Baniga PriceWaterhouseCoopers,” ayuu yiri Mr. Holmås.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in inta ay Dowladda Federaalka ah ka samaynayso Hay’addo Maaliyadeed oo si hufan ay Deeqaha Lacagta ah usoo marin doonaan Bangiyo ku yaalla dalka Dibadiisa oo gaasriiya Gacanta loogu talao galay Lacagta.

“Todobaadkii lasoo dhaafay waxa ay Lacag Mushaar ah usoo dirnay 380 Shaqaale oo u shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo ay ka howlgalaan Wasaaradda Maaliyadda & Xafiiska Xisaabiyaha Guud, waxaana hadda kadib si Toos ah u bixin doonaan Mushaarka Shaqaale gaaraya 380 Qof,” ayuu yiri Wasiiraka.

“Dowladda Soomaaliya waa inay dib usoo ceshataa Sumcadeed & Kalsoonida Caalamka si Dee-bixiyaasha ay u taageeraan oo Lacagaha loogu shubo Bangigeeda Dhexe, iyadoo aan laga baqeyn Musuq-Maasuq,”ayuu yiri Heikki Eidsvoll Holmås.

Norway, waxa ay kamid tahay dalalka Safka hore uga jira Wadamada Taageera Dowladda Federaallka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com