Xildhibaan Cumar Finish oo ka hadlay weerarkii xarunta BF iyo dhaawaciisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish) oo ka mid ahaa xildhibaannadii maanta ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay xarunta baarlamaanka ayaa sheegay in dhaawiciisa uu ahaa mid fudud.

Isagoo ku sugan xarunta Xalane oo lagu daweynaayo ayuu VOA-da u sheegay in uu caafimaad qabo oo isagoo socda uu yimid Isbitaalka.

Mar la weydiiyay sidda uu u dhaawacmay, wuxuu sheegay in baabuurkii isku qarxiyay ilinka horre ee dhismaha baarlamaanka firirkiisa uu ku dhaawacmay oo gacanta iyo qeybo ka mid ah jirkiisa ay wax yeelo ka soo gaartay.

Waxaa la weydiiyay marka isaga laga soo taago oo dhaawacmay in ay jiraan xildhibaanno kale oo wax ku noqday weerarkaas, wuxuu tilmaamay in xildhibaan Saciid Dheero la dhaho oo ay isku meel ku dhuunteen uu isna uu ku dhaawacmay weerarka.

Dhinaca kale, xildhibaan Cabdalle Boos Axmed ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay weerarka balse ma jirto cid ilaa hadda xaqiijin kara.

Weerarkii maanta lagu qaaday xarunta baarlamaanka ayaa soo gaaray 2:30pm oo waxaa tan iyo xilligaas la maqlayay rasaas iyo qaraxyo xooggan oo ka dhacaya gudaha xarunta baarlamaanka.

Inta badan dadka wax ku noqday weerarkii maanta waxay u badnaayeen askar ka tirsan dowladda in kastoo la arkayay ciidamo AMISOM oo dhaawac soo gaaray.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com

 

 

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com