Cali Khaliif Galeyr & C/Weli Gaas oo ku wada sugan Qardho (Maxaa socda?)

Qardho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in magaalada Qardho ee gobalka Karkaar uu gaaray maanta xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Cali Khaliif Galeyr ayaa la sheegay in uu ka qeybgali doono caleema saarka ama caano shubka boqorka Daarood ee Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Cali Khaliif iyo odayaal ka yimid dhinaca Khaatumo ayaa la sheegay in ay gaareen magaalada oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in magaalada uu ku sugan yahay madaxweynaaha Puntland, Cabdiweli Cali Gaas oo isan gaaray maanta magaalada Qardho.

Waxaa kaloo magaalada gaaray wafdi ka socday maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda fedaraalka Soomaaliya sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Garoowe.

Xafladda caleema saarka boqorka Daarood ayaa maalinta berri ah dhaceysa, waxaana magaalada ku sii qulqulaya salaadiin fara badan oo ka yimid dhulka Soomaalida ay degto.

Waa markii ugu horreysay oo xildhibaan Cali Khaliif Galeyr uu tago Puntland gaar ahaan magaalada Qardho.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay magaalada oo ay ku sugan yihiin wafuud caalami ah iyo dadweyne fara badab oo ka yimid dalka iyo dibedda.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa noqonaya boqorka 34-aad ee Daarood.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com