Maleeshiyo Raaskambooni ah oo isaga baxay Kismaayo una goostay dhinaca..

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Halkaasi ay Shalay ilaa Xalay isaga baxeen Ciidamo ka tirsan Maleyshiyaadka Raas Kaamboon.

Ciidamadan oo Boqolaal gaaraya, oo Hub & Gaadiid Dagaal wata ayaa isaga baxsaday Maleeshiyada Raas Kambooni, kadib markii Axmed Madoobe uu Saraakiishoodii Xilka ka qaaday oo kuwa isaga ku Beel/Heeb ahna u dhiibay.

Wariye ku Sugan Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Maleyshiyaadkaas qeybtoodii ugu Dambeysay ay Xalay ka baxeen Magaalada, waxaana ay gaareen Deegaan lagu magacaabo Qandal oo qiyaastii 5km u jirta Kismaayo.

Ma ahan Ciidamadii ugu goreeyay ama ugu danbeeyay ee kasoo goosta Maleeshiyada Raas kambooni ee Axmed Madoobe, waxaana jiray Tiro dhowr ah oo tan iyo 2014 kasoo baxay Safka hore Dhibaatada lagu hayo Shacabka Kismaayo.

Amaanka Magaalada waxaa maalmihii ugu Dambeyay halis muuqata ku ahaa Maleyshiyaadka Axmed Madoobe & Ciidamo gadoodsan oo sheegay in si aan Cadalad ahayn kula dhaqmeen Horjoogayaasha Axmed Madoobe.

Wararkii ugu Dambeeyay ayaa sheegaya in baqdin xoogan ay ka jirto Magaalada Kismaayo, taasi oo la xiriirta Weeraro ay Magaalada kusoo qaadaa Ciidamada ka goostay Maleeshiyada Raas Kambooni.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com