Video: Kenya oo aqoonsatay S/Lanad

Hargeysa (Caasimada Online) – Kenya, ayaa dhowaan sheegtay inay xafiis diblomaasiyadeed ka furaneyso magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ee waqooyiga Somalia, ayada oo sidoo kalena u ogolaatay Somaliland inay xafiis ka furato Nairobi.

Waxaa shalay magaalada Hargeysa gaaray wafti ka socda dowaldda Kenya, si ay xafiiskaasi siyaasadeed u furan.

Ayaga oo saxaafadda la hadlaya, ayaa waftigii Kenya waxaa afkooda kasoo baxay wixii ay Kenya qarineysa oo ahaa inay dal ahaan u aqoonsan tahay Somaliland, taasi oo qeyb ka ah siyaasadda gurracan ee luggooyada Somalia.

Diblomaasi ka mid ahaa waftiga Kenya ayaa laba mar ku dhowaaqay in Somaliland ay dal tahay, isaga oo tixraacaya wax uu ugu yeeray “Xiriirka labada dal”.

Halkan ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com