Xog: Daacish oo albaabada isugu dhufatay shirkado ku yaalla suuqa Bakaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo kuwa ammaanka ah, dagaalamayaasha ururka Daacish ayaa amray in la xiro goobo ganacsi oo ku yaala Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. 

Daacish ayaa beegsaday shirkadaha daawooyinka keena dalka ee saldhigoodu yahay Muqdisho, waxaana sababta lagu sheegay in ay dul dhigeen kumanaan dollar oo lacag baad ah oo lagu qasbay inay bixiyaan.

Shirkadaha ayaa sheegay in aysan awoodin bixinta lacagahaas waxaana lagu amray in ay joojiyaan shaqada ay haayaan, haddii aysan bixin lacgtaas.

Mid kamid ah shirkadahaas oo ka dhaga adeegtay islamarkaana ganacsigeeda furtay ayaa dhismihii ay daganeyd lagu xiray qarax miino, kaas oo sababay dhaawaca qof shacab waxa uuna falkaan dhacay todobaadkii hore. 

Milkiilayaasha shirkadaha la xiray qaarkood ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oo canshuur ka qaadata ay daawaneyso dhibka haysta, islamarkaana aysan soo faro-gelin arrintan oo aysan sugin amnigooda 

Wali hay’adaha amaanka kama aysan hadlin arrintaan waxaana la sheegayaa in Daacish ay kordhiyeen cadaadiska ay saarayaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhibaatada kale ee jirta ayaa ah in kooxda Al-Shabaab ay sidoo kale lacag ka qaado ganacsatada, islamarkaana aysan ogoleyn inay lacag kale siiyaan Daacish oo uu dagaal kala dhaxeeyo.