Al-Shabaab oo weeraray saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Hoosingow

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Hoosingow oo ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa, kaas oo geystay khasaare kala duwan, walow aan la cadeyn karin khasaaraha rasmiga ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka dhex-maray labada dhinac uu qaatay muddo saacado ah, isla-markaana meelo foog laga maqlayey rasaasta.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM iyo dhinaca dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda oo howl-gallo ka bilaabay halkaasi.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada fariisimaha ciidamada huwanta ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.