Aqri: Muxuu salka ku hayaa KHILAAFKA guddoomiye Cabdi Xaashi iyo MURSAL?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan khilaaf uu sheegay inuu soo kala dhex-galay  isaga iyo guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaaday in haatan aysan isku wanaagsaneyn isaga iyo guddoomiye Mursal, isla-markaana ay isku qabteen arrin sharci gaf ah.

“Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka xiriir fiican hadda kama dhaxeeyo waxaana u sabab ah qodobo sharci gaf ah oo guddoomiyahaasi uu sameeyay ayaan anigu…. waayo sharci baan ku shaqeynaa sharci gaf uu ku shaqeynayo, dee ma jiro,” ayuu yiri Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray “in hal aqal uusan gaar u lahayn inuu sharci kaligiis ansixiyo”.

Dhinaca kale guddoomiyaha Aqalka Sare oo hadalkiisa sii wata ayaa si adag uga hadlay go’aanka golaha shacabka ee muddo kordhinta, wuxuuna ku tilmaamay sharci darro.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in sharci kasta oo baarlamaanka sameeyo ay waajib tahay in la horgeeyo labada aqal, kadibna loo sii gudbiyo madaxweynaha.

“Qodobka 55-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya ku meel gaarka ah ayaa sheegaya inuu baarlamaanka Soomaaliya ka kooban yahay labo aqal oo kala ah Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Waxaan idiin sheegayaa in sharci kasta oo baarlamaanka Soomaalida sameeyo waa inay labada aqalba ansixiyaan, Markii ay labada aqal ansixiyaan waa inuu madaxweynaha u tagaa oo uu saxiixaa,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday in dastuurka uusan siineyn baarlamaanka inuu kororsiimo sameysto ama u sameeyo madaxweyne, sida uu hadalka u dhigay

“Hal midna ogaada, Dastuurku ma siinayo baarlamaanka inuu kororsiimo sameysto ama u sameeyo madaxweyne, iska daa inuu hal Aqal taas sameeyee labada Aqal xitaa xaq uma laha.” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkan xildhibaanada golaha shacabka ay muddo kordhin labo sano ku dhawaaqeen, taasi oo lagu qabanayo doorasho qof & cod ah.