Xog: Daacish ‘oo laba arrin midkood kala dooransiinaysa’ ganacsatada Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ayaa dardar-gelisay ololaha ay lacagta baada ah uga qaadaneyso ganacsatada maamulka Puntland, gaar ahaan kuwa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in kooxda Daacish ay ku qasbeyso ganacsatada Boosaaso in ay bixiyaan lacagta baadda ah ee ka qaado kooxda.

Kooxda ayaa sidoo kale waxay ganacsatada ay weydiisatay lacagta ugu goodisay haddii ay bixin waayan in ay albaabada u laabaan mehradahooda.

Ganacsatada Boosaaso ayaa wajahaya laba doorasho oo midna u rooneyn, sida ay sheegeen, oo haddii ay diidan baadda kooxdan ayaa waxay ku qasban yihiin inay xiraan ganacsigooda.

Kooxda Daacish ayaa hore u xirtay xarumo ganacsi oo ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kadib markii ay iska bixi waayeen lacag baad ah oo ay ku soo rogtay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Arrimahan ayaa imanaya xilli laamaha ammaanka maamulka Puntland ay ka gaabiyeen cadaadiska ka dhanka ah maleeshiyada Daacish-ta Soomaaliya, islamarkaana ay maamulkaas ka taagan tahay xiisad siyaasadeed.

Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Deni ayaa lagu eedeynayaa inay ciidanka u leexisay arrimo siyaasadeed, taasi oo diirada ka leexisay waajibkoodii shaqo ee loo igmaday.