Xog: Dacwad ka dhan ah guddoomiyaha Diinsoor oo ka billaabaneysa Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in ehelada dad lagu laayay degmada Diinsoor ee gobalka Bay ay dacwad ka dhan ah guddoomiyaha Diinsoor ka billaabeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Dadkaan ayaa ka cabanaya dilal dhacay sanado kala duwan, dad xabsiyo ku raagay oo aan Maxkamad xukumin, shacab la xiray oo la waayay nolal iyo geeri, caburin iyo hanjabaad joogto ah, taas oo ka imaaneysa maamulka degmada.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) oo muddo dheer maamulaya degmadaasi, ayaa lagu eedeeyey inuu muulka degmada ku koobay qoyskiisa, sidoo kalena halkaasi lagu laayay dad badan oo shacab ah oo ka soo horjeestay maamulka kadib tacadiyo ka dhacay Diinsoor.

Warar kale oo laga helay Diinsoor ayaa sheegaya in dhalinyaro badan oo laga qabtay Diinsoor loo gacan geliyay Ciidamada Itoobiya oo ku xoogan degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan masuuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa Caasimada Online u sheegay in guddoomiyaha looga yeeray Baydhabo islamarkaana dhowaan la dhageysan doono eedeymo ka dhan oo ku saabsan xadgudubyo ka dhacay Diinsoor.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in la sugayay inta uu dib uga soo laabanayo Baydhabo, wararkii ugu dambeeyay ayaa soo sheegaya in shalay uu gaaray Baydhabo Madaxweyne Lafta-gareen islamarkaana uu kulan la qaadan doono Guddoomiyaha eedeysan ee degmada Diinsoor.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
caasimada@live.com