Somaliland oo iskaashi cusub la yeelaneysa Austria

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa iskaashi cusub oo dhinaca horumarinta ganacsiga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha la yeelaneysa dowladda Austria, sida uu baahiyay Wargeyska East African Business Week.

East African Business Week, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay aad u daneynayso in dalka Austria uu ka taageero adeegyada Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Wakiilada labada dhinac ayaa dhowaan waxay ku kulmeen caasimada dalka Kenya ee Nairobi, iyagoona ka wada-hadlay sidii ay Somaliland iyo Austria u yeelan lahaayeen iskaashi faa’iido u ah labad dhinac.

Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar, Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya oo uu wehlinayo ku-xigeenkiisa Sharmaake Geele ayaa waxay kulan la qaateen Safiirka Austria u fadhiya dalka Kenya, Christian Fellner.

Kulankaasi ayaa waxa si gaar ah diirada loogu saaray, isla markaana lagu falan-qeeyay arrimo la xidhiidha arrimaha Geeska iyo doorka ay Somaliland ku leedahay marin biyoodka.

Markii uu kulankaasi soo idlaaday ayaa waxa uu Safiirka Austria u fadhiya Kenya Christian Fellner, sheegay inay Somaliland ka caawin doonaan arrimaha horumarinta.

“Iskaashigeenna wuxuu gacan ka geysan doonaa horumarka ka jira Somaliland” ayuu yiri Safiirka Austria ee dalka Kenya.

Waxa sidoo kale Wakiilka Somaliland u fadhiya isaguna uu sheegay in safiirka Austria ka wada-hadleen sidii ay Somaliland uga gacan qaban lahaayeen arrimaha horumarinta, iyo weliba gaar ahaan adeegyada Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Dalka Austria ayaa inta badan waxa lagu tirinayaa in uu ka mid yahay dalalka Midowga Yurub ee sida weyn u daneeya dimuqraadiyada ay ku faanto dowladda aan weli la aqoonsan ee Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com