25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xog: Damu-Jadiid oo qaadan doonta 5 wasaaradood oo muhiim ah, kuwee?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska R/W CCC Sharmaarke ayaa inoo xaqiijiyay in Ra’isul wasaaraha dalka loo madax-banaaneyay dhow Wasaarad iyo ku-xigeenadooda, halka qaarna uu ku dhegay madaxweynaha

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Heshiiskaasi uu ku imaaday kulan Taariikhdu marka ay aheyd 23/12/2014 ka dhacay Xarunta madaxtooyada gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada, iyadoona ay goobjoog ka ahaayen C/kariin Guulleed La-taliyaha dhanka Siyaasada Madaxweyne Xassan iyo Xubno kale oo aad ugu dhow madaxweynaha dalka.

Wasaaradaha ay DamJadiid ku lahaan doonaan Xukuumada Cusub ayaa waxaa kamid noqon doono Wasaarada Arrimaha dibada, Maaliyada, Amniga, Gudaha iyo Dastuurka, waxaana loo magacaabi doona Siyaasiyiin xilal hore usoo qabtay iyo kuwo ku cusub Siyaasada dalka, iyadoona qaarkood la sheegay in xiligaani ay degan yihiin Aqalka dalka looga arimiyo.

Wasiir ku-xigeenada u calaameysan Damjadiid ayaa waxaa kamid ah Gaashandhiga, dekedaha, ganacsiga, iyadoona la sheegay in ku-xigeenada Wasaaradaha ay u noqon doonaan Xildhibaano ka tirsan BF Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News