Xog: Deni oo madaxtooyada ugu yeeray guddoonka baarlamaanka + Qorshaha

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ugu yeeray guddoonka baarlamaanka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Deni ayaa guddoonka baarlamaanka ugu yeeray Madaxtooyada kulan wada-tashi, xilli ay taagan tahay xiisadda doorashooyinka maamulka.

Xogta ayaa sheegaysa in kulankaan uu Deni ugu yeeray guddoonka baarlamaanka looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, gaar ahaan ismari-waaga siyaasadeed ee Deni iyo mucaaridka.

Habeen hore ayey aheyd markii madaxweyne Saciid Deni uu la kulmay qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee Puntland, kuwaasi oo Deni kula socda in hannaanka qof iyo cod lagu galo doorashada Madaxtooyadda iyo midda Baarlamanka ee maamulkaasi.

“Wax aan doorasho qof iyo cod ahayn oo meeshaan (deegaanada Puntland) yaalla ma jiraan waana in shacabka Madaxdooda soo doortaan,” ayuu yiri madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni kadib markii uu soo idlaaday kulanka.

Maamulka Deni ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in uu la fariisto siyaasiyiinta diidan hanaanka doorasho ee uu wato madaxweyne Deni, hase yeeshe mucaaradka ayaa u arka dhawaaqan mid afka baarkiisa ah oo waxba ka goyn karin xaaladda taagan.

Si kastaba, Dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka Puntland ayaa waxaa xilligaan lagu cadaadinaya inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, ayada oo beesha caalamka ka digtay rabshado kale oo ka dhaca Garoowe, kuna baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadee,” ayaa lagu yiri farriinta xubnaha beesha caalamka.

“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.”