Xog: Deni oo weli ku dhegan arrin uu wacad ka maray baarlamaanka Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weli kusii dhigan meel-marinta Guddiga Maxkamadda Sare, oo kal hore u diidey Baarlamaanka Puntland.

Saciid Deni ayaa wada abaabul xoogan oo ku doonayo in uu kusoo celiyo Guddigaasi Golaha, kaasi oo uu horkacayo Axmed Yuusuf Taaraan oo uu u xushay in uu noqdo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dowlad goboleedka Puntland.

“Deni ayaa diyaarinaya in uu xubnahaan horgeeyo golaha wakiilada marka uu dib u furmo kal-fadhigooda 25-ka bisha October ee sanadkaan 2022-ka,” ayuu yiri sarkaal muhiim ah oo arrintaan si dhow ula socda arrintaas.

Madaxweynaha ayaa waxaa ka go’an in kalkaan xubnaha magacaaban u heli lahaayeen codka kasloonida, kuwaasi oo laba jeer dib u celiyay xubnaha magacaaban uguna baaqay madaxweynaha in uu soo badalo shaqsiyaadkan.

Waxay markii ugu dambeysay aheyd ee Baarlamaanka Puntland uu go’aamiyeen in aan dib dambe loo horkeeni karin guddigaan magacaaban ayaa aheyd 4-tii July ee sanadkaan.

Sababta u weyn ee Deni ku riixaysa in uu weli kusii dhaganaado meel-marinta guddigaan ayaa lagu sheegay inay tahay guddoomiye Taaraan, si uu ugu adeegsado barnaamijkiisa doorashada deegaanka ee khilaafka xoogan uu ka taagan yahay iyo ku darsiga.

Madaxweyne Deni oo ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee muddo xileedkiisa madaxtinimada Puntland ayaa waxa uu ka shaqeynaya qorshe uu kusii joogi karo xilka u sareeya maamulka, si uu markale ugu tartamo madaxtinimada Soomaaliye ee sanadka 2026-ka oo doorashadii dhoweyd uu kamid ahaa xubnihii ugu cad-cadaa.