Xog: DF oo dibad-baxyo ka abaabuleysa qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa abaabuleysa banaanbaxyo ka dhacaya qaar ka mid ah magaalooyinka dalalka Reer Galbeedka, kuwaas oo lagu taageerayo muddo kororsiga labada sano ah ee uu sameystay Farmaajo.

Dibad-baxyadan ayaa la qorsheynayaa inay ka dhacaan magaalooyin ay ka mid yihiin London oo UK ah, Minneapolis, Columbus iyo Washington oo Mareykanka ah, iyo magaalooyin kale oo ku yaalla qaar ka mid ah dalalka kale ee Yurub, sida Sweden, Norway, Belgium, Germany iyo kuwa kale.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, xubno ka mid ah maamulka gobolka Banaadir oo uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeenka gobolka ee dhanka amniga ayaa loo xil-saaray abaabulka banaan-baxyada, kuwaasi oo lacago boqolaal kun oo dollar ah billaabay inay u diraan abaabulayaal kale oo ku sugan dalalka ay ka dhacayaan dibad-baxyada.

Dibad-baxayaasha ayaa taageeri doono muddo kororsiga dowladda, ayada oo aan lasoo hadal qaadi doonin, balse taa beddelkeed boorarka lagu qori doono erayo lagu dalbanayo doorasho qof iyo cod ah, iyo in dimqoraadiyadda ay tahay in shacabka loo ogolaado inay codeeyaan.

Doorashada qofka iyo codka ayaa aheyd qiilkii loo adeegsaday muddo kororsiga, inkasta oo xaqiiqda ay tahay, qof kastana uu og yahay in doorasho qof iyo cod ah aysan Soomaaliya ka dhici karin.

Dowladda ayaa rumeysan in dibad-baxyada ay beddeli karaan ra’yiga beesha caalamka kana yareyn karaan cadaadiska, sida ay xubno ka mid ah dadka arrintan ku lugta leh u sheegeen Caasimada Online. 

Si kastaba, siyaasadaha dalalka reer galbeedka ayaa si ka duwan Soomaalida ah, kuwa aan ku shaqeyn dareen, balse ku dhisan daraasaad iyo xog-ogaalnimo, sidaas darteedna aysan dibad-baxyo lacag lagu soo abaabulay waxba ka beddeli karin.